Degdeg:-Qaar kamid ah Furimaha dagaal ee Puntland oo Caawa Cidlo ah + Ciidamo badan oo soo Carooday

Warar ay helayaan qaar kamid ah warbaahinta ayaa waxay sheegayaan in ciidamo katirsan kuwa Puntland ay soo faarujiyeen furimo muhiim ah, waxaana talaabadaasi laga dhaxli karaa dhibaato aad uwayn.

Sida wararka ay sheegayaan Ciidamada loo yaqaan PSF-ta ayaa baneeyay furimihii dagaal oo ay kulahaayeen Buuraha Gobolka Bari halkaas oo lagula dagaali jiray Alshabaab.

Ka bixitaanka ciidamadaas ee buuraleyda Galgala ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii khilaaf xoog leh uu soo kala dhexgalay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ka howlgalayey halkaas iyo madaxda ugu sareysa maamulka Puntland.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamulka Puntland oo ku aadan ciidamadan ka tirsan PSF-ta Puntland ee isaga soo baxay difaacoodii buuraleyda Galgala ee gobolka Bari oo ay qeybo ka mid ah gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Daacish.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*