Degdeg:- Warar kale oo kusoo kordhay Safarka cajiib ah ee Dhooba Daareed “Cameey oo Dowr aan caadi ahayn qaadanaya”.

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamanka Puntland Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoob), ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia.

Mudane Dhoobo, oo Baarlamanka Puntland xilka ka xayuubiyeen 7-dii bishiii la soo dhaafay ee November, ayaa xilligaasi wixii ka dambeeyay u ambabaxay degaanno ka tirsan gobollada Sanaag iyo Haylaan, isaga oo kulamo kala duwan la soo yeeshay bulshada ku dhaqan degmooyin ka tirsan gobolladaaasi Haylaan iyo Sanaag ee Puntland.

Xildhibaanka oo Arbacadii shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe , ayaa xalay ku hoyday magaalada, balse maanta ayuu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir, isaga oo u safray magaalada Addis Ababa, halkaasi oo sida la sheegayo uu kula kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo safiirka Soomaaliya u fahdiya Ethiopia Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Cameey).

Xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoob), ayaan wax faahfaahin ah ka bixin ujeedka socdaalkiisa ku wajahan waddanka Ethiopia.

Waxaa xusid In Gudoomiyihu Maalmihii la soo dhaafay kula uu la qaatay qaybaha Bulsha Gobolka Sanaag,ayna jireen warar sheegay in Gobolka Sanaag looga dhawaaqayo Maamul loogu magacday Maakhir State.

Dhoobo dhaareed ayaa xil waayay ka dib markii Khilaaf xoogan soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdulaahi,kaas oo sababay in markii dambe Xarunta baarlamaanka ay isku rasaaseeyeen ciidamo kala taabacsan labada dhinac.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*