Degdeg:- Wasaaradaha Goodax Barre iyo Maareeye oo uu ka dhex curtay Khilaaf culus “Qoraalo is diidan”.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in wasaaraddu dhistay guddiga Waxbaarshada, Dhaqanka iyo Seyniska.

Sidoo kale wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa durbaba ka hor timid guddigaan oo ay magacowday wasaaradda waxbarashada, qoraal kooban oo wasaaradda ka soo baxay ayaa lagu yiri“ Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa u xilsaaran Dhaqanka iyo warfaafinta Soomaaliya , wasaaradda waxbarashadu shaqo kuma lahan” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*