DHAGAYSO:- Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo saakay Xukuno ku risay Askar katirsan DFS oo lagu helay…

Maxkamada cidiamada qalabka sida ee  qeybta 27-aad ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday  6 eedeysane oo loo haytay dilkii Taliyihii qeyta Booliska gobolka hiiraan Marxuum Maxamed Macow Xalane.

Gudoomiyaha Maxkamada cidamada ee qeybta 27-aad Gaanshaanle Maxamed Cabdule Aadan ayaa xukunka ku dhawaaqay, waxaa uuna sheegay in Maxamed Cabdulle  barqadle iyo Cabdi Cumar Habarwaa ay  Maxkamada ka xayuubisay darajadii ciidan oo ay lahaayeen, islamarkaana waxaa  ku xukuntay dil toogasho ah, taasi oo ah Qisaastii Marxuum Maxamed Macow Xalane.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay  in Geedi Axmed Siyaad lagu xukumay xabsi daa’in.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo Axmed Muuse Fiidow, Cali Cabdi Maxamed iyo Khaliif Cabdulle Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here