Dil ka dhacay Bosaso & hawlgal socda

Koox hubaysan ayaa sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland waxa ay ku dileen xalay gudaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari sida ay sheegeen goob joogayaal, waxaana goobtaasi ka baxsaday ragii gaystay dilkaasi.

Saraakiisha amaanka ayaan weli ka hadlin dilka ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana arintani ay kusoo beegmaysaa kadib markii 8 bishan December koox hubeysan ay askar ku dileen Boosaaso halka shalay isna weerar lagu qaaday sarkaal ka tirsanaa ciidamada ilaalada cashuuraha bariga xili uu ku sugnaa suuqa Boosaso, waxaana weerarkaasi oo ay ka dambeeyeen kooxo hubaysan ku dhintay shakhsi kasoo jeeday Qoomiyada Oromada ee dalka Ethiopia oo goobtaasi ka ag dhowaa.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey kusoo badanayey dilal qorsheysan oo fulinayaan kooxo hubaysan, iyadoona ciidamada amaanku ay baadhitaano ka sameeyeen maanta xaafadaha Boosaaso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here