Dowladda Kenya oo ka hadashay Khasaaraha ka dhashay Weerar lagu qaaday Dad saarnaa Bas Marayay Duleedka Mandhera.

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in toban qof oo lagu dilay Bas marayay Duleedka Mandheera ay ka mid ahaayeen saraakiil Boolis ah.

7 ka mid ah tobanka qof ee ku dhintay weerarkaas ayey dowladda Kenya ku sheegtay in ay ahaayeen saraakiil Boolis ah oo dib ugu laabanayay shaqadooda.

Qof waxaa uu ahaa rayid, qof kale waxaa uu ahaa Dhaqtar halka labada kale aan la caddeyn magacyadooda iyo waxa ay qabanayeen, sida uu sheegay Loyford Kibaara oo ah Guddoomiyaha Gobolka Wajeer.

Saraakiisha maamulka Gobolka waxaa ay sheegeen in Gaariga oo ay leedahay Sharikadda Madina ay saarnaayeen 56 qof xilliga weerarka uu dhacayay.

Dadka qaar ayaa ka booqday Daaqadda Baska,waxaana gaaray dhaawacyo fudud,hayeeshee waxaa ay ka badbaadeen in la dilo.

Saddex ka mid ah dadka daaqadaha ka booday ayaa ahaa saraakiil Boolis ah kuwaas oo naftooda kala baxsaday kooxda weerarka ku qaadday.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen in Dadka la socday Gaariga loo kala saaray Muslim iyo dad aan Muslim ahayn, intii Muslimka ahaydna la fasaxay halka inta kale la dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here