Guul ayuu ku dhawyahay in xal laga gaaro xiisadihii qabiil ee kajira Gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku baxay joojinta colaadda degaannada Towfiiq iyo Af Barwaaqo ee Gobolka Mudug ayaa ku guuleystay in ay joojiyaan colaad beeleed halkaas ka socotay.

C/Xamiid Maxamed Dirir, Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya ayaa waxaa uu halkaas kula kulmay Odayaasha degaanka Towfiiq isaga oo kala hadlay sidii colaadda loo joojin lahaa.

Odayaasha Degaanka Towfiiq ayaa aqbalay soo jeedinta Taliyaha waxaana ay ogolaadeen in colaadda hadda taagan lagu dhameeyo wadahadal dhexmara labada dhinac.

Taliyaha ayaa saacadaha soo socda waxaa uu u gudbi doonaa Degaanka Afbarwaaqo oo ay dhinaca kale degganyihiin halkaas oo uu kula kulmayo Odayaasha degaanka.

Ilaa hadda waxaa ay ku guuleysteen Taliyaha Ciidanka Lugta iyo Saraakiisha la socota in labada dhinac la kala dhexgalo islamarkaana la gaaro xabad joojin kumeel gaar ah.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*