Khilaaf Cusub oo ka curtay Waaxda Dhalinyarada ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland.

Agaasimaha Waaxda Dhalinyarada ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Puntland Deeqo Jaamac Ciise ayaa beenisay doorasho la sheegay in ay ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo Hoggaan cusub loogu doortay Dhalinyarada gobolka Mudug.

“Aniga oo tixraacaya warqadda summaddeedu tahay M/Molys/02102019 kana soo baxday Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland kuna taariikhaysan 11/12/2019 u jeedkeeduna ahaa dib-u-eegista iyo hubinta ururrada dhallinyada Gobolka Mudug, iyo qabashada doorashada; loona xilsaaray aniga oo ah Deeqo Jaamac Ciise (Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada), iyo Burhaan (Agaasimaha Waaxda Sharciyada) waxa aan caddaynaynaa in wasaaraddu weli waddo qorshihii doorashada iyo kala hubintii ururrada, sidoo kalana waxa aan rabnaa in aan halkaan ka xusno in aysan wax doorasho ahi weli dhicin” ayay tiri Agaasime Deeqo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here