Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland oo maamul Qasab ah ka magacaabay Gobolka Gedo.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maamul Cusub u magacaabay Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya iyo Maamulada degmooyinka Luuq iyo Baardheere.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dawlad gobaleedka jubbaland ayaa waxaa lagu magacaabay gudoomiye kuxigeenka 1aad ee gobalka gedo waxaana loo magacaabay Maxamed Xuseen Cisman (ganey).

Sido kale waxaa Gudoomiye cusub loo magacaabay Bishaar Aadan Cabdikariin(afjabay) oo loo magacaabay gudoomiyaha Degmada Luuq.

waxaa Gudoomiye cusub loo magacaabay ismaaciil cabdi Qorrax(koofi) oo loo magacaabay gudoomiyaha ee Degmada Baardheere.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*