SAWIRO:- Maxkamada Jubbaland oo xukuno ku riday Rag katirsanaa Alshabaab oo horay udilay Askar Kismaayo ku sugnayd.

Maxkamadda ciidanka Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhegeysiga dacwad loo heysto seddex eedeysane kuwaas oo lagu soo kala eedeyay in ay dileen askar ka tirsan ciidanka Jubbaland.

Eedeysayaasha maxkamadda ka soo hor muuqday ayaa kala ahaa Cabdi Cali Cabdulle Muud Barakoow oo loo heysto eeda ah dilka Alle ha naxariistee dable ka tirsanaa ciidanka Booliska Jubbaland oo la oran jiray Maxamed Cabdullaahi Ibraahim iyo Cabdi Maxamed Makaawe iyo Bakar Xasan Jimcaalle oo loo heysto eeda ah inay dileen askari ka tirsan ciidanka Nabad Sugida Jubbaland kaas oo la oran jiray Siyaad Maxamed Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here