Seddex Dal oo Afrikaan ah ayaa bilaabay in Ciidamadooda ay ka saaraan Somalia.

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa munaasibad sagootin ah u sameeyay Saraakiil Booliis ah oo ka socday Dalalka Ghana iyo Zambia.

Saraakiishan oo ka mid ahaa qeybta tababarka Booliska AMISOM ee tababara Booliska Soomaaliya ayaa dhameystay muddo sanad ah oo ay ka shaqeynayeen tababaridda Ciidamada Booliska ah ee Soomaaliya.

Augustine Magnus Kailie, oo ah Taliyaha Booliska ee AMISOM ayaa sheegay in saraakiishan ka socday Zambia, Ghana iyo Kenya ay dhameysteen shaqadooda sanadka ahayd dibna ugu laabanayaan dalalka ay ka soo kala jeedaan.

AMISOM ayaa hadda wadda qorshe lagu tababarayo Booliska Soomaaliya kaas oo qeyb ka ah qorshaha kala guurka ah ee ay AMISOM dalka uga baxeyso sanadka 2021ka.

Amniga dalka ayaa lagu wadaa in lagu wareejiyo Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka ah kuwaas oo qaarkood tababar qaatay halka kuwo kalena ay wali ku jiraan xeryaha tababarka Ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here