Sheekh Shariif Iyo Safiirka Mareykanka Ee Somalia Oo Ka Wada Hadlay Doorashooyinka

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Sheekh Shariif iyo Donald Yamamoto ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay siyaasadda dalka Soomaaliya iyo arrimo kale.

“Waxaan uga mahad celinnay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada  xisbiyada siyaasadda” ayuu yiri Shariifka.

Intaas ayuu sii raaciiyay hadalkiisa “Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado”.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*