Taliyaha Lugta oo maanta tagay Deegaankii ay ku dagaaleen Beelaha Dir iyo Habargedir ee Gobolka Mudug.

Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS S/guuto C/xamiid Maxamed (Dirir), ayaa Maanta gaaray magaalada Gaalkacyo  ee  xarunta Gobolka Mudug.

Wafdigaan oo ay soo dhaweeyeen maamulka degmada Gaalkcyo iyo saarkiil ka tirsan hogaamiyaasha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee ururada bulshada,waxaa  socdaalkoodu uu laxiriiraa  dhexdhexdhaxaadinta dagaal beeleedka  ka soo cusboonaaday gobolka Mudug.

Waxaana ay taliayaha oo kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka, Cuqaasha,Isimada iyo Dhalinyarada qaybahooda kala duwan ay isla qaateen, in la kala qaado beelaha is horfadhiya, isla markaasina la soo afjaro colaadda taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here