Thabit Abdi “Aragagixsada ujeedkoodu wuxuu yahay Ha Noolaan hana Hormarin Laakin Kayeeli Mayno”.

Allaha u naxariisto intii ku dhimatay weeraradii argagixiso ee xalay ka dhacay SYL hotel, dhaawacana Allaha u booga dhayo. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan intii dhibkan soo wada gaaray.

Ciidamadeena qaranka Allaha guuleeyo oo xalay ku guuleystay in ay dad badan soo badbaadiyaan.

Waxaan cambaareynayaa fallalka waxashnimada leh ee argagixisada oo ah cadowga ummadda oo ka soo horjeeda nabadda iyo xasiloonida dalkeena, ujeedkooda ugu weyna uu yahay “ha noolaan hana horumarin” sidaa darteed waxaa waajib nagu wada ah in aan iska wada kaashano sidii meel looga soo wada jeesan lahaa.

Amniga aan u wada istaagno, madaama uu maanta yahay baahideena koowaad.

Waxaa Qoray Duqii Hore ee Muqdisho haatana kamid ah Hogaanka Xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here