Wasiir Oomaar iyo Wasiir Isloow oo Manata suaalo adag lagu waydiiyay Golaha Shacabka “Shariif iyo Xasan maxaa loogu diiday Kismaayo?”.

Waxaa maanta ka furmay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya kulanka Golaha shacabka , kaas oo ay ka qeyb galayaan wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo taliyaha ciidanka Booliska, Cabdi Xasan (Xijaar).

Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 120 Mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka, iyadoona uu shir guddoominayo ku xigeenka 1-aad ee Golaha, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Xildhibaanada ayaa su’aalo ka weydiiyay Wasiirada xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo sidoo kale xayiraadii dhowaan lagu sameeyey Madaxweynyaashii hore ee dalka,Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed hoggaamiyaha madasha Xisbiya qaran.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa su’aalo adag laga weydiiyay arrimo ku saabsan xayiraadii diyaaradaha rayidka ee Kismaayo iyo tii Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Mar Wasiirka la weydiiyay su’aal aheyd in Kismaayo in uu tago looga joojiyay darteed uu u soos aaray go’aan uu ku xayirayo diyaarada, ayuu arrintaas waxba kama jiraan ku tilmaamay, isagoo caddeeyay in si iskiis ah uga joogay Kismaayo

“Kismaayo la igama joojin, aniga shaqsiyan iska joojiyay, annigoo diidan in dagaal iyo colaad dhaco, aniga reer Jubbaland ayaa ahay, qof iga joojin karta ma lahan, go’aankaas anaa qaatay inaa ka haro, qof aan ka aarsanayo ma jirto, dadka meesha jooga oo dhan waa qaraabo dhib shacabka loo geystay marqaati kama ihi anigana igama imaan”ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Mar wax laga weydiiyay diyaaradaha lagu amray inay Muqdisho soo maraan oo kaliya ay dhibaatada ugu badan shacabka ku yeelatay, ayuu tilmaamay in aanay wax dhib aheyn in Muqdisho la soo maro, waxaana uu caddeeyay in dhowaan ay fasaxeen diyaaradihii ka imaan jiray Dhoobley ee toos u tagi jiray Kismaayo, halkii markii hore ay soo marayeen magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xumada Faderaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa laga weydiiyay arimo la xariira Musuq maasuq waana uu iska fogeeyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*