Xildhibaano Gudbiyay Mooshin ka dhan ah mid ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Kheyre + Gudoonka oo uyeeray Wasiirkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa looga yeeray inuu hor-yimaado Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan shaqa Warbaahinta Dowlada.

11 Xildhibaan ayaa Mooshin ka keenay Wasiirka, iyagoo qoraalka mooshinka ku soo lifaaqay dhowr qodob oo ku saabsan habdhaqanka Warbaahinta Qaranka iyo in aanay si cadaalad oo siman u soo bandhigin doodaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa ku doorada in aan laga siidayn warbaahinta Dowlada xildhibaanada ka aragtida duwan Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa dhawaan ku eedeeyay wasaarada Warfaafinta in aysan tabin dooda xildhibaanada Golaha shacabka iyo marka ay su’aalo weydiinayaan Madaxda Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here