XOG: Axmed Madoobe Oo Khilaafka Siciid Dani Kala dhaxeeya Ay Soo fara geliyeen…

Madaxweynaha Puntaland Siciid C/llaahi Dani iyo dhigiisa Jubbaland Axmed Islaam (Madoobe) ayaa la sheegayaa in khilaaf muddooyinkii dambe uu ka dhex jiray.

Kulan ka dhacay Magaalada Garowe oo Isimada ay iskugu yimaadeen ayaa looga hadlayey sidii loo dhameyn lahaa khilaafkaasi.

Tani waxay ka dambeysay kadib markii odayaal can ka ahaa Kismaayo kana soo jeeday Deegaan ahaan Puntland siyaabo kala duwan loo khaarajiyey bilo ka hor.

Waxaaka mid ahaa Ragga la dilay Siciid Adoon iyo Jaamac Qalyar waxaana Siciid Dani uu ka carooday in Maamulka Jubbaland aysan cadeymo keenin cida dilkaasi ka dambeysay.

Tuhunka ayaa ahaa maadaama Jaamac Qalyar oo ka mid ahaa salaadiinta dhanka Isbadel doonka Jubbaland la safnaa iyo ganacsade Siciid Adoon oo isna la sheegay in Axmed Madoobe Maamulkiisa lacag ku lahaa ay sababsadeen in la toogto.

Inkastoo Madaxweynaha Jubbaland reer abti uyihiin Beesha Majeerteen hadana waxa uu ku qasban yahay wixii heshiis loo soo go’aamiyo inuu qaato si Siciid Dani oo Abti ahaan ugu aadan colaad usii dhex oolin.

Madaxweynaha Puntland,Senetor C/raxmaan Faroole,Xildhibaano iyo Wasiiro Ka yimid Puntland ayaa Bishii Oktoober Kismaayo kaga qeyb galay Xaflada Caleemo saarka Ee Axmed Madoobe,balse Dilka Nabadoonada ayaa dhacay Xafladaasi kadib,taas oo xiriirka inuu xumaado sabab ka dhigta

 

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*