XOG Cad:- Musuqaasuq hareeyay nidaamka shaqaaleysiinta dhaqaatiirta cusub ee isbitaalka Digfeer.

Taariikhdu marka ay ahayd 12-ka bishan December waxaa imxitaan shaqo cusub lagu helaayo u fadhiistay dhaqaatiir Soomaaliyeed oo gaaraya 393 qof, kuwaas oo midkiiba laga qaaday lacag dhan $100 si ay imxitaanka u galaan.

Dhaqaatiirtan shaqada soo doontay ayaa imxitaankooda waxaa lagu keenay 100 su’aal balse dhaqaatiirta qaar ayaa su’aalaha ka hor imxitaanka loo gacan galiyay, taasi oo niyad jab ku noqotay kuwii kale ee filayay in qof walba uu aqoontiisa ku soo baxayo.

Waxaan gacanta ku haynaa dhammaan su’aalaha imxitaanka lagu keenay iyo jawaabahooda kuwaas oo sidooda imxitaanka loogu keenay.

Dhaqaatiirtan shaqada raadineysa ayaa ii sheegay in ay dareemayaan in wax isdaba marin ay meesha ka jirto mar hadii imxitaankii loo fadhiistay ka hor ay dadka qaar heysteen, taasoo la ii sheegay in laga qatay qishka Soomaalida joogta isbitaalka Digfeer.

393 qof ee imxitaanka galay ayaa laga rabaa in ay ka soo baxaan 15 dhaqtar si loo shaqaaleysiiyo!

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*