XOG:- Maxay Puntland mar Labaad u xidhtay Siyaasi Muuse Cali Jaamac “Wax badan ka ogoow Afduubka Boosaaso ee DP-World”.

Ciidamada amniga magaalada Bosaso ayaa xabsiga dhigay siyaasi Muuse Cali Jaama oo ka mid ahaa siyaasiyiin ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Bsoaso oo lagu dhaliilay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Deni.

Ciidamo katirsan kuwa amaanka Puntland ayaa Muuse Cali Jaamac Shalay duhurkii ka qabtay guriga uu ka degan yahay magaalada Bosaso xilli uusan filayn in lagu soo maqan yahay.

Xariga Siyaasiga waxa ka horeyay, seddex nabadoon oo ka qeyb galay kulan ka dhan ahaa xukuumadda Puntland oo iyana maalin kahor lagu xiray gudaha Magaalada Boosaaso

Ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka ah, isla markaana uu horkacayo taliye ku xigeenka qeybta Boliiska Gobolka Bari Aamusane ayaa xalay iyo shalay u dhacayey guryaha ay degan yihiin waxgaradkii iyo siyaasiyiinta dhaliilay Shirkadda DP Word ee gacanta ku haysa dekadda magaalada Bosaso.

Waxaa kaloo jirta hanjabaad loo jeediyey qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howl gala Bosaso, kadib markii laga soo wacay taliska qeybta gobolka Bari, isla markaana loogu hanjabay haddii aysan ka waan toobin baahinta wararka ka dhanka ah xukuumadda ay xabsi mudan doonaan.

faahfaahino dheeraad ah naga filo insha allah
____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*