Xusuus:- Maanta oo kale 10sano kahor waxaa Somalia ka dhacay Halaag aan wali maanka Shacabka ka Go’in.

Maanta oo kale 3 December  2009 waxa ay aheyd Maalin Murug ay Dad badani ay soo wajaday,waa Maalintii uu dhacay Qaraxii ay ku dhinteen Dad kor u dhaafayay 30 Ruux oo iskugu jiray Arday,Dhaqaatiir,Wasiiro,Waalidiin iyo Dad kale oo fara badan,kuwaas oo ku sugnaa Munaasabad ka dhaceysay Hoteel Shaamoow ee Magaalada Muqdisho.

Hotelka Shaamow waxaa ka socotay Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayay Arday ka Qalinjibisay Jamaacada Banaadir ee Magaalada Muqdisho,kuwaas oo bartay Culuunta kala duwan ee laga dhigo Jaamacadaaasi.

Munaasabad Shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay Ardayda ka qalinjibisay Jaamacadda Banaadir,waxaan ka soo qeyb galay,Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii KMG aheyd,waxaana ka mid ahaa Wasiiradii ka qeyb galay Munaasabada,wasiirka Wasaarada Caafimaadka Qamar Aadan Cali,,Waiirkii Wasaarada Waxbarashada Maxamed Cabdullaahi Waayeel,Wasiirkii Hidaha iyo Tacliinta Sare Ibraahim Xasan Caddoow,Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Saleebaan Colaad Rooble.

Sidoo kale Goobta ay Munaasbada ka socotay Waxaa ku sugnaa Dhaqaatir oo sidoo kale barayaal ka ahaa Jaamacada Banaadir,Arday,Waalidiin aad ugu Faraxsanaa in ay ka qeyb gaan Munaasabad Shahaado lagu guddoonsiinayo  Caruurtrooda,dadka sidoo kale ka qeyb galay,waxaa ka mid ahaa Wariyeyaal lagu Casuumay Munaasabada si Maalintaas Qiimaha badan at Bulshada ugu soo tabiyaan.

Dhanka kale Jawiga waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan Ardayda waxa ay ku labisanayeen Dharka lagu yaqaan Dadka ka Aflaxay ama dhameeyay Waxbarashada Jaamacadeed ee lagu Guddoonsiinayo Shahaadada.

Dadkii ku sugnaa Goobta waxa ay ahayeen kuwa si wanaagsan u dhageysanayay Khudbadaha ay Jeediyeen qaar ka mid ah Kasoo qeyb galayaashii Munaasabadda,hayeshe Mar qura ayaa waxa is badalay Jawigii Farxada ku dheehna,waxaa la maqlay Qarax weyn oo gilgilay Hotelkii Jawiga waxa uu noqday mid isku badalay Murug iyo Xanuun aad u daran.

Sidoo kale Qaraxii ka dhacay Hoteel Shaamoow waxa ku Nafwaayay Dad aad u far badan oo ay ku jireen Saddex Wasiir oo mar qura goobta ku Ruux baxay,kuwaas oo kala ahaa Qamar Aadan Cali Wasiirkii Caafimaadka,Maxamed Cabdullaahi Wasiirkii Waxbarashada,iyo Ibraahim Xasan Caddoow,waxaana sidoo kale ku Geeriyooday Dhaqaatir uu ka mid ahaa Prof Maamed Aadan Warsame.

Waxaana Qaraxa sidoo kale ku Geeriyooday Arday Waaldiin iyo Wariyeyaal ku sugnaa Goobta ay ka socotay Munaasabad,waxaana Wariyeyaasha ku geeriyooday qaraxa asika mid ahaa Maxamed  Amiin Aadan Cabdulle oo u Shaqeynayay Idaacadda Shabeelle iyo Xasan Subeyn Xaaji oo isagana ahaa Sawirqaade ka tirsanaa Muqaal baahiyaha Al-Carabiya,iyadoo ay jireen Saxfiyiin kale oo Qaraxaasi ku dhaawacmay.

Qaraxa kadib waxaa Warbaahinta Shir Jaraa’id u qabtay Madaxweyinhii Dowladii KMG aheyd Xiligaasi Sheekh Shariif Sheekh Axmed,isagoona Tacsi u diray Shacabka Soomaaliyeed ee qaraxaasi ugu geeriyodeen Eheladoodii.

Walidiinta dhalay Ardaydii ku dhimatay Qaraxaasi ayaa iyaguna Dareenkooda Muujiyay,iyadoona qaarkood ay tilmaameen in la Murugoonayaan dhibtada Caruurtooda qabsatay,isla markaana ay aad uGu Xun yihiin Dhimashada Caruurtooda.

Al-shabaab ayaa si Cad u sheegtay in ay Qaraxaasi ay ka dambeyeen,isla markaana uu fuliyay mid ka mid ah Dagaalyahanooda,oo sida ay shegeen ka yimid Dalka Dibadiisa.

Sikastaba ha ahaate Maanta oo ay ka soo wareegtay Qaraxii Hotel Shaamoow Mudo 9 Sano ah ayaa waxa Maanta Magaalada Muqdisho ka socota Muinaasbad loogu baroordiiqayo Dadkii aan ayagoo waxba galabsan lagu laayay Qaraxii ka dhacay Hoteel Shaamoow ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa Diyaariyay Maxamed Axmed Mursal (Sacuudi)

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*