Aby Ahmed oo si jeesjees ah ugu jawaabay Trump “Billada cid waliba lama siiyo isagana maba soo damci karo”.

Raisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa si adag uga jawaabay hadal uu jeediyey madaxweynaha Mareykanka oo ku saabsan billaadda Nabadda ee la siiyey Raisalwasaare Abiy sanadkii 2019, Trump ayaa aad u xaqiray una yasay qaadashada  Abiy Axmed ee billaadda Nobel Peace Prize, iyada oo Trump isu hibeeyey guusha nabadgelyo ee laga gaaray gobolka taas oo loo cuskaday mid kamid ah waxyaabaha sababay in Abiy la guddoonsiiyo Abaalgudkaas.

Raisalwasaare Abiy Axmed oo ka jawaabaya hadalka Donald Trump ayaa yiri: “Trump ma garanayo halbeegga loo maro bixinta billadda Nobel Peace Prize mana fahmayo muhiimaddii uu lahaa heshiiskii Itoobiya iyo Eritrea ee baasha caalamku bogaadisay

Abiy Axmed Cali oo la guddoonsiiyey billadda Nabadda 2019

Madaxweyne Donald Trump ayaa hadal uu ka jeediyey meel fagaare ah Jimcadii hore waxa uu ku sheegay in uu yahay isagu qofka mudan  abaalgudka billadda Nobel Peace Prize balse uusan ahayn Abiy Axmed raisalwasaaraha Itoobiya.

Tump ma sheegin magaca rasmi ahaan qofka ku guuleystay billadda Nabadda 2019 iyo xitaa waddanka balse waxa uu dabasocday Itoobiya Abiy Axmed Cali raisalwasaaraha Itoobiya oo ah qofka ku guuleystay Billaddaas.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*