AKHRISO:- Maxay tahay sababta loo kala diray Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir “Xog Cusub”.

Sida lagu sheegay Wareegto uu soosaaray Wasiirka ganacsiga iyo Wershadaha xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan waxaa la kaladiray guud ahaan maamulkii rugta ganacsiga iyo wershadaha gobolka Banaadir, waxaana warqadda lagu sheegay in la soo magacaabi doono maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Xaashida kasoo baxday Wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha ayaa lagu sheegay in sababta loo kaladiray maamulka rugta ganacsiga ay tahay xasarado ay wasaaraddu sheegtay in y kadhasheen magacaabistii maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir, sidaas oo kale waxa lagu sheegay Wareegtada Wasaaradda ganacsiga in kaddib la tashi muddo socday ay wasaaraddu go’aansatay in la kala diro.

Maxaa kadambeeya Sheekada?

December-2019 ayaa guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Gabeyre waxa uu magacaabay guddi ka kooban 6 xubnood oo uu gudoomiye u yahay Axmed Cabdullaahi Xasan oo muddo 2 sano oo kmg ah xilka guddoonka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Kaddib magacaabistii guddoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan waxaa soo baxday in dhaqdhaqaaqa Alshabaab ay ku lug lahayd soona jeedisay in Axmed Cabdullaahi Xasan uu noqdo guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

23-January-2020 ayaa hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranku waxa ay xabsiga dhigtay guddiga rugta ganacsiga gobolka Banaadir iyada oo sheegtay in loo xiray tuhhun la xiriira Alshabaab.

Guddiga rugta ganacsiga & Wershadaha

  1. Mudane Axmed Cabdullaahi Xasan Guddoomiye
  2. Mudane Axmed Jimcaale Maxamuud G/kuxigeenka 1aad
  3. Mudane Shire Nuur Gacal G/kuxigeenka 2aad
  4. Mudane Ibraahin Abuukar Amiin Shaamow G/kuxigeenka 3aad
  5. Mudane Ibraahin Cabdulqaadir Xuseen Xog-hayn
  6. Mudane Maxamuud Ibraahin; madax ganacsiga guud & Maaliyadda.

Guddigan waxa uu guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo Wershadaha Maxamuud Cabdi Gabeyre ayaa magacaabay guddigan 17-Dec-2019, hay’adda NISA ayaa xabsiga dhigtay guddoomiyaha iyo kuxigeenka Axmed Cabdullaahi Xasan iyo Axmed Jimcaale Maxamuud

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here