Alshabaab oo weerar ku bilaawday qaraxyo madaafiic ku qaaday saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya.

Weerarkan oo ahaa mid ku bilowday qaraxyo ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Mashalaay oo hoos taga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobta ay Al-Shabaab ay weerareen ayaa waxaa ku yaalla saldhig ay leeyihiin ciidamada nabad sugidda u joogay Soomaaliya ee Amisom, waxaana lasoo werinayaa in uu khasaaro ka dhashay weerarkaasi.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaasi uu waxyeello ka soo gaaray dad shacab ah iyo askar ka tirsan kuwa Amisom, inkasta oo aan la ogayn tirada rasmiga ah ka dhashay weerarkaasi.

Majiraan weli wax war ah oo kasoo baxay weerarkaasi, walow aanu samaynay isku dayo aan kula xidhiidhnay saraakiisha dawladda balse ay noo suuroobi weyday inaan faahfaahino ka helno weerarkaasi

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*