Alshabaab waxay Kenya ka fuliyeen weerarkii 11aad laba bil gudahooda “3Macalin ayaa la dilay”.

Inta la hubo 3 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay midna waa la afduubtay kaddib weerar la tuhunsan yahay in Ururka Alshabaab kadambeeyo kaas oo saaka aroortii hore dabley hubeysani k qaaday deegaanka Kamuthe oo katirsan  ismaamulka Gaarissa ee dalka Kenya.

Sida uu shaaciyey taliyaha guud Booliiska gobolka Waqooyi bari Paul Soi Alshabaab ayaa weerarkan ku dilay sadex macalin iskuul, sidoo kale waxa ay gubeen Saldhigii ciidanka booliska ee deegaanka ku yaalay, iyaga oo khasaare u geystay oo burburiyay qalab shirkad isgaarsiineed oo deegaanka Kamuthe kahowgasha.

Paul Soi ayaa sheegay in dableyda weerarka geysatay ay bartilmaameedsanayeen dhismayaasha isgaarsiinta iyo xarumaha Booliiska ayna qayb ahaan burburiyeen xarun isgaarsiineed oo kutaal deegaanka Kamuthe ee ismaamulka Gaarisa.

Ururka Alshabaab ayaa 11 weerar ka fuliyay lixdii isbuuc ee la soo gudaha gobolka Waqooyi Bari Kenya,  kuwaas oo kala dhacay deeganada Gaarisa oo ay 4 weerar kadhacday, Wajir oo 3 weerar lagu qaaday, 2 Madhera kadhacday, iyo Lamu oo 2 weerar ah.

ISHA: Daily Nation & Capital News-Kenya

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*