Daacish oo Boosaaso ku dishay Ninkii ka saaray Qandala “Sidee ayuu udhacay Dilka?”.

Wararka ay heleyso shabakadda caalamiga ah ee Marqaannews ayaa sheegaya in Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu dilay guddoomiyihii hore degmada Qandala ee Puntland Jaamac Maxamed Khuurshe.

Dilka marxuumka ayaa waxaa geystay kooxo ku hubeysan bastoolado, xilli uu ka soo baxay Hotel ku yaalla bartamaha magaalada, waxaana dilka kadib durba goobta iskaga baxsaday dableydii geysatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa gaaray goobta lagu dilay guddoomiyaha, waxayna halkaas ka bilaabeen baaritaano ay ku raadinayeen raggii geystay dilka, welina lama sheegin cid loo soo qabtay, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa.

Ciidamada ayaa xalay waxaa la sheegay inay aruurinayeen dhalinyarada magaalada ee ku sugan aagga lagu dilay marxuumka, waxayna gudaha u galayeen guryaha qaar, iyagoo banaanka guryahooda uga soo saarayay dhalinyarada, kadibna hal goob iskugu geynaya, sida ay noo sheegeen dad ku sugan magaalada Boosaaso.

Allaha u naxariistee guddoomiyaha xalay la dilay ayaa golihii deegaanka ee ugu horeeyey Qandala waxay guddoomiyaha degmadaas u doorteen 18-kii bishii Janaayo sanadkii 2012-kii, isagoo xilkaas hayey tan iyo 30-kii May sanadkii 2018-kii oo xilkaas laga qaaday.

Habeen ka hor ayey aheyd markii ciidanka booliska Puntland ee ka howlgala magaalada Boosaaso ay guri ku yaalla magaalada ka soo saareen waxyaabaha qarax oo lagu qarinayey.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa xumaaday waayihii dambe, waxaana dilal qorsheysan ka geysta gudaha magaalada kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo ku sugan qeybo ka tirsan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*