DAAWO:- Kheyre oo balanqaaday in uu difaacayo Shaqalaha Shirkadaha Turkiga ee dhismaha kuwada jidadaka waawayn.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii Argagaxisadu u geysatay howl-wadeennadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo qayb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo kaabashaada dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imaanaya argagaxisada damaceedu yahay inay dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay kusii jiraan burburka iyo horumar la’aanta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka.

Mudane Xasan Cali Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibaaraan howlkarnimada iyo geesinimada, si argagaxisada loogu muujiyo in weerarada naf-lacaarinimada ah aysan hor istaagi karin qorshaha horumarinta dalka.

Kulanka Ra'iisul Wasaare Khayre Iyo Maamulaha Shirkadda Enez

Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire Iyo Maamulaha Shirkadda Enez ayaa Ka Hadlay Dardar Gelinta Dhismaha Waddada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye.#NabadIyoNolol#AmaanoIyoAdeeg

Posted by OPM Somalia on Monday, January 20, 2020

1 COMMENT

  1. Waxaanu shaki haba yaraato ee ku jirin in aanu dunida ka jirin dal Turkiya Soomaaliya u dhaama oo uga sokeeya. Taariikh fac weyn ayaa labadan ka dhexeeya oo Turkidu waa geesiyaal aan la loodin karin xaqiiqdii. Wayna ogsoon yihiin in ay Soomaalida siyaabo badan isu shabbahaan oo ay isku halleyn karaan haddii ay is raacdo.

    Waxaan se anigu u arkaa in ay Turkidu awalkii hore ba qalad straatiji ah ku dhaceen markii ay rugtooda Xamar ka dhigteen oo isku na soo koobeen. Waxaa seegtay in ay Puntland ka yeeshaan saldhiggooda ugu weyn ay se Xamar safaarad ahaan u joogaan. Hadafyadooda oo dhan ayay si sahlan ku gaari lahaayeen oo amnigoodu aanu shaki ba ku jireen haddii ay Boosaaso xaruntooda ka dhigan lahaayeen.

    Si xun ayay taasu u seegtay oo waxaa ba ka sii daran oo aan qudhaydu filaayay in ay gadaal ka fikiri doonaan oo ay taladaas soli doonaan, ma se dhicin oo waa kuwan maanta naftoodii baa Xamar qiirqiir ku gashay. Macal asaf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here