DAAWO Muuqaal Hanjabaad ah:- Saraakiisha Beesha Warsangeli oo Iclaamiyay dagaalkii ugu dambeeyay ee lagu xurreynayo Gobolka Sanaag

Saraakiil iyo askar hubaysan oo socdaal ku tagtay deegaano katirsan Gobolka Sanaag ayaa waxay markale fariin udireen Maamulka Somaliland, taas oo ku saabsan hanjabaad xoogan.

Ciidamadaan ayaa waxaa hogaaminaya Taliye Guray Cismaan Salaax waxaana uu sargaal si cad usheegay in Somaliland ay ka xureyn doonaan guud ahaan Gobolka.

Isagoo wejigiisa ay ka muuqatay carro wayn ayaa sheegay in beesha warsangeli ay garatay dhibta kaga imaanaysa Somaliland sidaas aawgeed maanta kadib ay iclaamiyeen dagaalkii ugu dambeeyay.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. Horta Somaliland waa wax aan iminka jirin oo reer iidoorka ka tirsan bay jabhaddaasi hadda ku koobnaatay. Xataa warar maalmo dhawayd idaacadaha qaarkood laga fidinayay iska barabagaan qayaxan bay ahaayeen oo Kornayl Caare maleeshiyadiisu cidna isu ma aanay dhiibin sidii lagu been abuurtay.

    Garxajisku in ay Habar Jeclada iyo Habar Awasha maamul jabhadeedkii SNM ee idlaaday dib ugu la heshiiyaan aad ayay udag tahay marxaladda haatan lagu sugan yahay. Labo arrimood ayaa saxaafadda iyo dadka badankooda iskaga dhex yaacay oo la isku qaldayaa, kuwaas oo kala ah:

    1. In ay Isaaqu waa hore ku kala boodeen maamul jabhadeedkoodii SNM oo siyaasad ahaan aad loo sii kala fogaaday, oo ay waheliyaan aanooyin hore oo reerahan ka dhex aloosnaa oo siyaasaddooda sii kala dhambalay.

    2. In marka ay siyaasadda noqoto beelaha reer Sanaag ay isku mowqif weliba aad u adag ka taagan yihiin maamulka kooban ee jabhadda SNM laakiin se ay dhexdooda ka taagan tahay aamin darada qabyaaladeed oo Soomaali oo dhan sidaas u kala faquuqday.

    Waxaan la inkiri karin xaqiiqada jirta ee ah in aanay gobolladani ku sugnaan karin xaalad ismaamul la’aan ah oo aanay sina uga fursan doonin in maamul goboleed lagu heshiiyo oo si wadajir ah ee loo dhan yahay loogu yagleesho inta caadifadaha qabiiliga ah laga koro oo laga ilbaxo.

  2. Cismaan Tamaandho Xabuub kkkkk

    Waxaan u maleynayaa riyadaadu midhahay dhasho hurdada ayaad ku guran doontaa. Kkkk Sariirtana ayayba ka shidnaan doontaa. Kkk

    Anigu waxaa ii sawirmay intiinan dawakhsan we musalsalka hurdada ku daawata oo Sariirtaba laga soo kicin kari waayay. Hadh iyo habeenba ileyn, iyadaa Maakhirland dhali doontee. Kkkkk

    Cisho dhow waxa la maqli doonaa Ismaamulka Maakhir/Khaatumo land oo dadkeedu wada jiifaan. Faleebona isku dura dabadeedna maamul casri ah oo ka Singapore oo kale Riyoland ku dhex dhista. Kkkkk

    Faleebada ugu dhumucda weyni waxay ku xidhnaan doontaa Madaxweynihiina.

    Saraakiishiinana midba midkuu ka khuuro dheer yahay ayuu ka darajo sareeyo. Kkkkkk

    Sareeye Gaas Khiikhiikhle.
    General Khaakhleeye.
    Corneyl Khuukhle.
    Gaashaanke Sare khararafle.
    Gaashaanke dhexe Quuqle.
    Iyo in kaloo badan.

    Xitaa diyaaraduhu markey garoonkiina weyn ee caalamiga ah ee Dhaqdhaqaaq Yare soo fadhiisanayaan waa in dadka saaran oo dhan kiniinka hurdada la siiyaa si ay kolkay ka degaan diyaaradaba ula Jaan qaadaan Riyoland.

    Anaguna hadaanu nahay jaarkiina Somaliland ee wanaagsan riyo wacan oo horumar leh ayaanu idiinku duceyneynaa.

    Jiifka ayaadba ku joog dheertihiin. Kkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*