DAAWO MUUQAAL:- MD Deni iyo Qalbidhagax oo kawada hadlay arin aad loo hadal hayay “Sir Cusub oo la helay”.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdilaahi Deni ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ah muwaadin soomaaliyeed oo dalka Ethopia loo dhiibay mudo ka hor balse markii danbe kasoo baxay.

Madaxweyne Deni iyo Qalbi-dhagax ayaa intii kulankoodu socday iska xog-wareystay xaalada Guud dhulka Soomaalida, iyadoona Madaxweynuhu kaga tacsiyeeyay falkii ay kula kacday Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadkii 2017-kii, xilligaas oo loo gacan galiyay Dowladda Itoobiya.

Sidoo kale, Qalbi-dhagax ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland qaabilaadiisa, isagoona sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay garab istaagii Dowladda Puntland iyo Shacabkeedu u muujiyeen.

3 COMMENTS

  1. Asc Wr Wb Deni Waa madaxweynihii ugu liitay ee Puntland soo mara, waxaa uu isku darsaday nacasnimo, been, fulaynimo iyo isaga oo u shaqeeya Faroole iyo Aaraanjaan. Maanta waxaa ee Puntland maraysaa heer xatta Isimada Puntland ee Masaajidyada Boosaso kaga duceystaan in Shaydhaankaan Ilaah dhaafiya. One year ayuu xukunka fadhiya wax uu qabtay maleh, aan ka eheyn inuu Caayo Farmaajo oo anwaxba ku heynin muqdishu.

    Puntland haloo duceeya, kii ka horeeyaay ee Gaas uusbuur, Farlle afwaliinjo iyo Deni waa the worst Presidents ee Taariikhda Puntland soo mara.

    Puntland guul ayaa u rajeynayaa iyo inay iska qabtaan Aaaraan Jaan.

    • @Jamaal,

      Hadalkaagu isaga ayaa is burinaya ee dib ma u gocatay? Waxaan is qaban karin in labadan hadal ee isku jumladda ku jira:

      “Deni Waa madaxweynihii ugu liitay ee Puntland soo mara,….iyo isaga oo u shaqeeya Faroole iyo Aaraanjaan…”

      Sida ay taariikhdu qoryaso Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu tayo fiicnaa inta madax Puntland soo martay oo haykal dowladeed oo rasmi ah u dhisay oo caalamka na ku soo hiray.

      Waxaan macquul ahaan karin in liidnimada Siciid Deni uu Faroole sabab u yahay maadaama uu Faroole ugu tayo wanaagsanaa. Markii inoogu war dambeysay Cumar Maxamuud iyo Cismaan Maxamuud ayaa siyaasadda Puntland ku xulufeysnaa oo Ciise Maxamuud Villa Garoowe ka faramaroojistay.

      Halka ay Deni iyo Faroole iska soo galeen iyo siyaasadda labadooda isku xidhi karta ayaa dadka yaab ku noqday.

  2. ASC.
    Qalbi Dhagax muxuu yahay? YAA dan ka leh buuqaan uu kiciyay? MISE waa hub jadiida oo lagula Dagaalamaa Farmaajo? Qalbi Dhagax markuu yiri XAMAR tegimaayo MA WUXUU cadaawad u muujiyay Shacabka Xamar MISE Farmaajo? Xamar MA Farmaajo leh MISE waa Caasimaddi ummadda Somali? Qalbi Dhagax MUXUU ula kulmaa DENI iyo mucaaradka kaliya? Taa sow kuma caddayn inuu yahay Dawlad diid iyo Qaran diid. ≈©≈ANOO ku hadlaa magaca Ummadda XAMAR waxaan ku leeyahay C/Kariimow; “UMMADDA XAMAR WEY KAA MAARANTA”. WBT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here