DAAWO:- Puntland oo caawa soo saartay Digniin ku saabsan Duufaano kusoo wajahan Xeebaha Bari ee Deegaanadeeda.

Digniin Waxaa Looga Digayaa Dadka Deegaada Xeebaha Degan inay Ka Digtoonaadaan Roobab Dabaylo Wata oo Kusoo Foodleh Xeebaaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland.

Dabaylo xoogan ayaa ka dhacaya baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas Dabaylaha ayaa ku socda xawaare sare oo ah 36KM/H ilaa 40KM/H, Dabaylahaasi waxay kasoo kaceen dhinaca waqooyi galbeed iyagoo usii jeeda dhinaca bariga, waxaanay cumiladu saadaasha Hawada ay sheegeen in muddo sadex cisho ah 12-14 Jan-2020 ay kusoo foodleeh yihiin Xeebaha Puntland Sidaas daradeed waxa looga digayaa dhamaan kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow badda in aanay gelin badda sadexdaas cisho ee ay baddu aadka u kacsan tahay.”

HALKAAN KADAAWO DIGNIINTA

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*