DAAWO:- Puntland oo xukun cajiib ah ku riday Siysaasiyiin dhaliilay Xukuumadda Deni iyo Siyaasadda UAE.

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta xukunno isugi jira xabsi iyo ganaax lacageed ku ridday, siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo odayaal kale oo mudda bil ah ku xirnaa magaalada Boosaaso, kadib markii ay xukuumadda Puntland ku dhaliileen Heshiisyo Maal-geshi oo ay kula jirto Shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Maxkamadda ayaa saddex bilood ah oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $500  oo Dollar, waxay ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa laba  sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo $1,000 Dollar, waxay  ku riday Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble.

HALKAAN KADAAWO MUUQAALKA

Guddoomiyaha Maxkamadda oo ku dhawaaqay xukunka, ayaa sheegay in shanta eedaysane ay ku caddaatay eedaymo ay kamid yihiin Kicin-dadweyne iyo sidoo kale aflagaaddo ka dhana madaxda dowladda Puntland.

1 COMMENT

  1. Waxani ma aha wax soconaya oo laga aqbali doono neefkan dawaladnimada iyo dimuqraaddiyadda aadka uga arradan. Waa talisnimo iyo dhaqan xumo aad uga baxsan anshaxa iyo asluubta dhaqankeena Soomaaliyeed oo aan loo dulqaadan karin.

    Hadda doqonkani isagu waxuu isku maaweelinayaa oo uu ku andacoonayaa dastuur iyo danaha Puntland baan u dagaallamayaa laakiin falalkiisani waa dastuur iyo qaran dummis labada ba oo ka dheefi maayo wax aan ka ahayn in la sii saluugo oo la sii naco oo laga soo horjeesto.

    Waa edeb daro iyo akhlaaq xumo in uu nabaddoono xabsi u taxaabo iska daa in xukunno lagu rido ee. Mindhaa shacab amnigooda ilaashanaya ayuu isleeyahay way kaa baqayaan in uu neef yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here