DAAWO VIDEO DEG DEG Somaliland oo Weerartay Markabkii Jabuuti Dagal Dhex Maray ,Jabuuti oo Hanjabtey.

Ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland ayaa howl-galo ay sameeyeen kaga hortagay Markabkaasi oo ay sheegen in sifo sharci daro ah Xadhig ku marinayay Biyaha Somaliland, iyadoona loo sii jiidayo dhanka Soomaaliya.

Waxa la aaminsanyahay in talaabada ay Ciidamada ilaalada xeebahu ay uga hortageen Markabkaasi, isla markanaa ay dib uga celiyeen Biyaha Somaliland inay daba socoto hadal uu dhawaan sheegay Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, kaasi oo ku shaaciyey in Jabuuti wax ogolaansho ah uga haysan xadhigaasi.

Video

2 COMMENTS

  1. Marka hore Jabuuti wax dagaal ah lama gali karto “Somaliland” sababta oo ah Jabuuti waa dal iyo qaran rasmi dunida uga jira halka aanu caalamka ka jirin waddan “Somaliland” loo yaqaanno.

    Waxii shaqaaqo ah ee ay Jabuuti kala kulanto deegaanada Woqooyi Galbeed waa arrin ay Dowladda Soomaaliya toos uga la xaajoonayso waayo gobolkaasu dalka Soomaaliya ayuu qayb ka yahay.

    Xaqiiqada meeshan ka bidhaamaysa ayaa ah in ay koox maleeshiyo beeleed ahi soonahaas ka shufteynayso oo shacabka deggan iyo dalka Jabuuti ba shiid shiidayso. Haddii aanay daroogeysnayn oo uusan xanuun dhimireedka “somaliland” ku caan baxay maanka ka curyaaminin waxay shuftadani dhaadi lahaayeen in ay Soomaalida Jabuuti asal ahaantooda reer Awdal yihiin oo aan la xigin haba yaraato ee.

    Jabuuti waxay xaq buuxa u leedahay in ay waxii budhcad badeed ah ee hawlaheeda qaran soo faragashata abaalkooda mariso. Jabuuti waa Soomaaliya oo Soomaaliya waa Jabuuti oo waxa ay doonaan ayay waddamadooda is ah soo kala marsan karaan.

    Inta uu dhimirkoodu saaxiga yahay uun baa waaqicigan dhaadan.

  2. TAAJKA MAAKHIR

    HADEY JABUUTI ARIMAHA SOMALILALAND KALA XAAJOONEYSO FARMAAJO MAXEY SOMALILAND UGU SOO DIREYSAA WASIIRKEEDA ARIMAHA GUDAHA. MAXEYSE WASIIRADEEDU UGA LABO KALA HADLEEN OO LABO HADAL OO KALA GEDISAN UGA DHAHEEN ARINTA MARKABKA XARIGA SIDA. SIDA SOOMAALIYA AYUU MARI DOONAA OO BERBERA MUQDISHO INTUU SII MARO AYUU MOMBASA TEGI DOONA MIDNA U YIDHI MARKII DANBENA UU KII KALE U YIDHI SOMALILAND KUMA SOCODO OO BERBERA MA TEGAYO EE BOOSAASO AYUU KU SOCDAA?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here