DAAWO VIDEO Sir Culus Wasiir Janaan Miyuu Geeriyoodey Mise Wuu Baxsaday

waxaa Soo baxaya Cabsida Jubbaland Ku Sheegtay Inuu Geeriyoodey Wasiirki Amniga Jubbaland ee dowlada u Xidhnaa,Iyadoo mudo Qoyskiisa oo Soo booqon Jirey Aysan Arag.

War-saxaafadeed goor dhaw ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa walaac looga muujiyey halka uu ku dambeeyo wasiirkii amniga Jubbaland, oo maanta ay dowladda Soomaaliya sheegtay inuu ka baxsaday xabsigii lagu xiray.

Warka ka soo baxay Jubbaland waxaa lagu sheegay in wasiirkii aan weli nolol iyo geeri toona lagu heyn, isla markaana mudadii ka badneed shanta bilood ee uu u xirnaa dowladda aysan jirin cid aragtay xattaa qoyskiisa oo loo diiday.

VIDEO

Jubbaland waxay sheegtay in arintaan ay sii murjineyso xiriirka markii horaba cakirnaa ee kala dhexeeya dowladda federaalka, waxayna ka dalbadeen inay dowladdu meel ku sheegto wasiirkooda raq iyo ruux.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Anigu shakhsi ahaantayda qisooyinka noocan oo kale ahi marka aan hawraarta muwaaddinkan aad u dhuuxay ayaa waxay iigu muuqataa sida soo socota.

    Waxaan suuragal ila ahaan karin in muwaaddin Soomaaliyeed oo xabsigiisa qaabkan loo sireystay ay Dowladda Federaalku toos ugu lug leedahay in ay wax ka ogtahay uun mooyaanee. Saansaantu waxay u muuqataa in uu muwaaddinkani gacanta u galay oo ay ahamiyad gaar ah ka lahaayeen Sirdoonka Mareykanka ee Xamar saldhigga qarsoon ku leh. Waxay u badan tahay in ay ku tuhunsanaayeen arrimo la xiriira argigixisada Soomaaliya iyo kooxaha Shabaabka ee Jubbooyinka.

    Waxaa uu malahaygu yahay in loo haystay shakhsi xogo xasaasi ah hayay ee ay sirdoonku qaab ciqaabeysan wax uga maalayeen. Dabcan dowladdu qabashadiisii lug way ku lahayd oo amar cadaadis xooggan ku noqday ayay kaga fursan wayday in ay u gacan galiso, laakiin in la ciqaabayo u malayn maayo in ay wax ka ogayd mise ay raalli ka ahayd.

    Hadal iyo dhammaantii haddii uu xataa muwaaddinkani marxuum ku dambeeyo waxaan qiyaasayaa in uu sirdoonkaasi shisheeye gacmahooda ku baxay oo qiil lagu dado loo daydayayo.

    Waa qiyaastayda laakiin xaqiiqadu sida ay tahay Allaahu Aclam. Sida uu maamulka Jubbaland xataa wax uga qaban kari waayay oo uu uga aamusay iyo in ehelladiisa laga sarreefay ayaa dhacdooyinkan oo kale caddeyn daliil buuxda u ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*