
Soomaaliya ayaa mar kale u tallaaba-qaadday ka faa’iidaysiga kheyraadka shiidaalka, kaddib markii Aqalka Sare ee Baarlamaanka uu ansixiyay January 6, 2020 Sharciga Batroolka dalka. Walow sharcigu uu soo raagay, haddana waxaa la filaayaa inuu soo jiidan doono maalgashiga shirkadaha shidaalka caalamiga ah.
Balse, waxaa murugo ka taagan tahay in ansaxintii sharciga uu ku soo beegmay xilli olole doorasho, iyo rabshado argaggixiso dalka ay ka bilowdeen, taas oo baqdin gelin karta maanka maalgashatada shisheeyaha.
Be the first to comment