DAAWO VIDEO:DEG DEG Turkiga oo U Hanjabey Israel Iyo Trump ,Carab oo Ka Amusay Falastine Dhibka Loo Gaystey

Dalka Turkiga Ayaa Dignin u Diray Isarel Iyo maraykanka Heshiiska Qudus Waxaana uu sheegay Inaan waligeeda islaamka Aqbalayn Go’aankaasi,isla Markaasina uUsan Ahayn Mid Xal Nabadeed u Adeegaya Go’aanka.

waxaana uu Madaxweyne Erdogan Sheegay Inay Muslimka Marna Aqbalayn in Qudus Noqoto caasimada Israel isla Markaasina Ahaanayso Caasimada falastiine.

Halkani hoose ka Daawo

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. Halyey Ardogan anigu aad baan runtii u jacelahay oo u taageeraa. Laakiin se waxaa waayahan dambe iiga muuqda salfudayd nin martabaddiisa caaalamka Islaamka ka jooga aan inna ba looga baahnayn casrigan aynu ku sugannahay.

    Fiiradheeridii iyo fariidnimadii lagu asteeyay meel ay hadda ha mareen la ma garan karo xaqiiqdii oo anigu murugo iyo walbahaar weyn ayay igu haysaa. Dalkiisa Turkiga si geesinimo leh ayuu ugu dhiirraday in uu hannaankii cilmaaniga ahaa ee kufriga salka ku hayay heeryadiisa ka rogo oo uu tayadiisa aad sare ugu soo qaado. Cidi is malahayn taasu waay suuroobi kartaa marku lagu cabbiro qalfooftii gaalnimo ee uu dalkaasu ku dhex qufulnaa.

    In uu haddeer isbahaysigan Galbeediga iyo waddamada Carabta isku wada taago waxaa ay ii la muuqataa nusqaan weyn oo hoggaamineed iyo talo aan Turkiga iyo caalamka Islaamka straatijiyad suubban u ahayn. In uu cagsideeda ku dhaqaaqo oo uu Khaliijka Carabta inta uu toos u la xulufoobo ay deeto siyaasaddooda mideeyaan oo cuduuddooda dhaqaale oo isku dhaffan cadawga iskaga caabbiyaan oo waddama Islaamka sare ugu qaadaan ayay ahayd talada straatijiyadda saxda ku saleysan. Waxa ka indhasaabay garan maayo runtii.

  2. ASC.
    War Carabu way jiri jirtey laakiin hadda waa magacyo kaliya.Carab waa horaa la dhufaanay.Walina sidii loo dhufaanay bay u wada dhufaanan yahiin.Dawladaha carbeed midkastaba waxaa lagu soo xiray geed dheer fiintiisa oo lagu yiri car hoos soo fiiri.Isla markaas ayagaa cadaw la isaga dhigay oo sidii la rabo baa hadba labo la isku diraa sidii labo Rati oo qooqan.War Carabi waa carabtii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*