DAAWO VIDEO:Soomaliland oo Lagu kala Yaacay Cabdiraxman Cirro Go’aan Culus Ku Dhawaaqay.

Soomaliland Ayaa xaalkeeda Murug san yahay Kadib markii Muuse Biixi Iyo Mucaaradka Waji Xumo Ku kala Tageen,Gudiga Komishinka Ayaa Diidey Iyaguna Inay iscasilaan.

Cirro Ayaa Shir Jaraa’id Qabtay oo uu Uga Hadlayey xaalada halka Ay marayso,waxaana uu Qeylo Dhaan U Diray mar kale Beesha Caalamka Inay Faro Galiyaan.

Xoghayaha  arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa goor dhawayd xorriyadiisa dib u helay ka dib muddo 20 maalmood ah oo uu ku xidhnaa Xbasiyada magaalada Hargeysa.

Yeelkeede waxay Xogguhu tibaxayaan in Xoghaye Ramaax lagu sii daayey Damaanad,Taas oo macnaheedu tahay inaan sii deyn buuxda aan la siin.

 

2 COMMENTS

  1. Somaliland lagu ma kala yaaci karo oo markeedii hore ba wax dhab u jira ma aysan ahayn. In Isaaqu ay qaddiyaddii SNM ku kala boodeen isaguna war cusub ma aha oo waa hore ayay taasu fashilantay. Maxaa haddaba cusayb ah oo soo kordhay? Waa waxba.

    SNM sababo badan aawadooda ayay iskeed iskugu dhushuuqday oo waxaa oogu muhiimsanayd in ay waaqiciga ah dhabta ah aad uga baxsanayd. Waaqicigaas oo qeexaya in qabiil geyi lala wadaago ee looga tiro badan yahay oo weliba waddan dhan ka sii tirsan aanu qaran noqon karin.

    Sababta gunaanadka ahina waa xaqiiqada lama inkiraanka ah ee ku saabsan in ay SNM salka ku haysay qaddiyad iyo qiil runta ka baxsan oo ay lama huraan ahayd in ay iskeed iskaga idlaato maadaama uu casrigeedii 30 sanadood hortii ku ekaa oo ay la mid ahayd hal bacaad lagu lisayay.

    Wadajir Bay Labo Gacmood Wax Ku Qaban Karaan.

  2. ASC.
    Somali waxay ku guulaysatay Koobkii GUNNIMADA. °Taarikhdoodi jaahilnimo ee sharafta iyo MADAXA ciidda ka dhawrka lahaydna dhulkay ku jiideen. °Hadday laba dhallinyara oo kala Beela ay dagaalaan Odayadi waxay leeyihiin; “BEESHA CAALAMKAY NA SOO GAAR!!!” Hadde waa waxay Isimada iyo Nabaddoonadu ku dhammay jireen GEEDKA harkiisa. °ILBAXNIMADU gunnimay na Badday. °BAL FIIRI Xaaf iyo Waddani oo Gaalo u yeeran!!!. WBT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here