DAAWO VIDEO:Soomaliland oo Sheegtay Hadii Guul Wade Loo Gacan Galiyo Soomaliya La Heshiinayaan,Codsina Dirtay

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii u horeysay shaacisay talaabada ay ka qaadi doonto Jeneraal Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo dhowaan inuu sax ahaa ku sheegay duulaankii dadka badan lagu xasuuqay ee dowladii kacaankii ay ku qaaday Somaliland.

Soomaliland Ayaa Codsatay Inay jeclaan Lahayd Dowlada Soomaliya Usoo Gacan Galiso Ganeralkani.

Somaliland ayaa si cad u sheegtay inay ka aargoosaneyso Cabdiraxmaan Guulwade, isla markaana ay la tiigsaneyso sharciga, iyadoona ka dacweyn doonta dalka uu ka sito dhalashada labaad, sida ay sheegtay Yurub Abiib Cabdi.

Halkani Riix Video Soomaliland Guulwade

Wasiir kuxigeenka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland, Yurub Abiib Cabdi ayaa maanta si adag uga hadashay hadalkaasi dhowaan ka soo yeedhay Guulwade, iyadoona xustay in Somaliland ay dacweyn doonto oo maxkamad la tiigsan doonto.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

4 Comments

  1. …”duulaankii dadka badan lagu xasuuqay ee dowladii kacaankii ay ku qaaday Somaliland.”

    Adduunyada Nin Nooloow Maxaa Aragti Kuu Laaban!

    Oo hadda waallidii casayd ma waxay maraysaa in la inoo ku sheekeeyo Dowladdii Soomaaliya ee 1988 ayaa duulaan ku qadday “Somaliland” oo dad ku xasuuqday?

    Dee waynaan arag oo maqal. Naw!

  2. War runtey diidayaan , iyo in la cadeeyo, falalka foolxun ee ay Woqooyiga Somaliya ka sameeyeen, wax runta u sheega ayey waayeen, aduunka kama dhici karto in wadan Gobaladiis jabhadeen laga bilaabo ,dadkii dowlada u joogey la laayo, dad jilicsan ayey ee madax wadanka hadda ka ah ayey arkeen, kuwaan waa in wax laga qabtaa.

  3. War runtey diidayaan , iyo in la cadeeyo, falalka foolxun ee ay Woqooyiga Somaliya ka sameeyeen, wax runta u sheega ayey waayeen, aduunka kama dhici karto in wadan Gobaladiis jabhadeen laga bilaabo ,dadkii dowlada u joogey la laayo, dad jilicsan ayey ee madax wadanka hadda ka ah ayey arkeen, kuwaan waa in wax laga qabtaa. adigaa diidaya ee Somali diidku malaa ku dhaleen, munaafaq.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*