DAAWO VIDEO:Warbixin Qofkii Somali Murugo ku Ah Qaranimada Soomaliya Geeska Afrika Laga Tirtirayo.

Barnaamijkeena waxaynu Ku Iftiimin Doonaa Soomaaliya oo Qaranimadeeda Hog Kusii Dhacayso,Iyo Muuqaalo Kooban oo Falanqeyn U baahan,Iyadoo dad Badani Aamin san yahiin Soomaaliya Inay U Muuqato inay Soo Gabanayso Isku Soo Dhawaan Shaha Siyaasada.

Waxaa Hubaal Ah Barnaamijkeena Falanweynta Muuqaalada Aanu Idinku Soo Gudbinayno Iyo Falanqeyn taniba Inay Ku Muujinayaan wax Badan oo Indhaha Shacabka Soomaaliyeed ka Dahsoonaa.

Soomaaliya oo Wakhti Ku Doodi Jirtey Inay Midayso Shanta Soomaaliyeed,Maanta waxay Maraysaa Inay Shantii Hore Kaba daaye 5 Kale Soo Baxayso oo Muujinaysa Inay Hada yahiin Kuwa U bahan In laga Fakaro ,Inta Wakhtiga Dhow yahay In laga Fakaro Sida Dib Loogu Soo Celin lahaa Xayn taabka.

Video Warbixin Soomaliya Murugta

In kasta oo Shacabka Aamin san yahiin Dowladnimada Balse waxaa Jira Siyaasin Iyaga Ay Ugu Caano badan tahay Arimo Qaranimada Maal Ugasii Dhacaysa.

falan Qeyntanina waxaanu Ku eegi Doona Arimo ka Cusub Shir Nairobi madaxda Puntland,Jubbaland,Koonfur Galbeed Iyo waliba Soomaliland Todobaadkani Si isku Eg Looga Soo Gudbiyey.

Hadana Markii Dhinac badan aanka Fakarey Xogta Shiine waxaay Ila Muuqatay Inay Madaxda Soomalida Ogol yahiin oo Kaliya Beesha Caalamka Halka Dowladooda Dhexe Cadowga Looga Dhigay.

Soomaliland Iyada warkeeda wuuba cad yahay lakiin Waxaad Moodaa In Soomaliland Laga Soo Bilaabo Ilaa Puntland Iyo Jubbaland Halka kaliya ee ka Midaysan yahiin tahay In Wiil yar oo cadaan Ay Ogol yahiin.

Halka Cadowga Koowaad U Arkaan Madaxda faderalka oo Ana Ku Ekayn oo kaliya Madaxda Hada talada haysa Balse Ilaa Kuwii ka Horeyey Ay Isku Si Uga Fogaadaan.

Hadaba falanqeynteena Dib Ayaan Ugu Soo Labanayna Marka Hore sawiradani Aynu Daawano.

Kani Waa safiirka Maraykanka ee Soomaliya Donald Yamamoto oo La Kulmay Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Kuna Farax san yahay.

Kani Xigaana waa safiirka Maraykanka Donald Yamamoto oo Nairobi Kula Kulmay Madaxweyne Deni Farxada Iyo Waji Furnaanta waa la Mid.

Kana waa Madaxweynaha Jubbaland oo Farxad la Mida Ku Qaabilaya Nairobi Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto

Kana Waa Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Silamida Farxad Kula Kulmay Nairobi Donald Yamamoto

Hadaba Su’al Niyadaada Markiiba Kusoo Dhacaysa Ayaa Ah,Dhamaan Madaxdani Soomalida ee Maamulada Kawaran hadii farmaajo Dhahi lahaa Aynu Kulano.

Sidee Kula Tahay Masuul Soomaaliyeed oo Diidan Madaxdiisi Soomaaliyeed,Hadana Wiilka Yar ee Gooban ee Jilbaha Ugu Dhaca Ay wada Ogol yahiin.

waxaa Hubaal Ah In hadiiba Sidaasi U wada Ogol Yahiin Isaga Madaxdani Soomaaliyeed Inuusan Awoodi waayin Inuu Isku Keeno Ugu Yaraan Dhexdooda,Lakiin waxa uu Doonayo Ayaa Ah In Mid kasta Dhinaciisa Dhaho Adiga saxsan Si Mid kasta Iskugu Arko Inuu Sax san yahay.

Sababto Ah marki Horaba Sababta Maqaamka Madaxweyne Loogu Yeedhay Ayaa Ahayd In Mid Kasta uu isku Arko Inuu Madaxweyne Awood leh Yahay,isla Markaasina Sii kala Fogaadaan Soomalida.

 

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*