DAAWO VIDEO:XOG Axmed Madoobe oo Imaraadka Looga Yeedhay Cumar Cabdirashid Tageerada 2020

Sidoo Kale Ujeedada Safarka Madaxweynaha Jubbaland Ayaa La Sheegay Inuu Salka Ku hayo Shaqsiga Ay doonayaan Jubbaland iyo Puntland Inay wada Tageeraan Doorashada faderalka ee 2020,Garoowe Waxaa Ku Sugnaa Todobaad yadani Raysal Wasaarahii Hore Cumar Cabdirashid.

Seneter Cumar Cabdirashid Ayaa Degan dalka Imaraadka Carabta oo uu Tageero Xoogan Ka helay,waxaana Lagu Wadaa Inuu Madaxweynaha Jubbaland Tageeradiisa U Muujin Doono Cumar cabdirashid oo La amin san yahay Inuu yahay Musharax  Soomaaliya ee Doorashada Soo Socota.

Puntland iyo Jubaland Ayaa Doonaya Inay tageeradooda Iskugu Geeyaan Cumar Cabdirashid Qaabkii Doorashada Ugu Tageeri lahaayeen.

Lama Qaxiijin Hadii Cumar cabdirashid Madaxweynaha Jubbaland Xirir Uga Furi doono dalka Imaraadka ee uu tageerada Ka haysto .

https://youtu.be/e_7PZBEMgT4

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

10 Comments

  1. waxaan maanta ka dib isku dayayaa in aan wax ku qoro farta aan rasmiga ahayn (farihii baa na daalay sidaynu caps-ka u gujinaynay dee!).

    siyaasad waxaa ugu xun tan yacyacoodda ah oo waxaa ka sii daran marka ay qaar aan shaxdeeda dheeli karini malmalluuqayaan sida kuwo aan garanayo. waagii hore waxaa maamullada dalka ka jiraa loogu soo hagaagi jiray siyaasad lagu suntay qaddiyad qabiili ah oo ay gobollada ku kala xayndaabteen. af lagu hadlo iyo dhan laga soo abbaaro ayay lahaan jireen.

    hadda se qaddiyad iyo cid ay matalayaan midna lama yaqaanno. ma tii qabyaaladda ahayd baa geeyooday? mise tii goboleysiga ayaa gomodday? waxa hadda beddelay se maxaa u minjo iyo madax ah? halkee iyo gormaa bay se iyana gudhi? caku muhaashadooda ee yaa kala garanaya oo af yaqaanna?

    dar baa carabta saluugsan oo laga maan habaabiyay. dar baa soojireenka tixgalinaya oo si kale wax ugu muuqdaan. dar baan doc ba u dhacsanayn oo ka dhex dinaahaya. ma diin baa? ma dan baa? ma dhuuni baa? dhaantadu waa tee jaantii lala haleeli waa ee? maxaa ciil ah maxaa ciirsi ah?

    waa wada gammoor iyo geed lagu halaagmo. waa wada qacondo iyo sun. caqligoodu waa girr. sallax gaw ah weeyoo biyo kama gororaan.

    sidee baynu u joojinnaa? jirriddee baynu ku adkeynaa? xaggee baynu u jeedinnaa? mise ugu jaheynaa? bal inoo jiljilciya waa kan afkiiba juuqda gabay ee.

  2. Cismaanow anigu waxaan kugula taking lahaa caps haka tegin. Wakhtina kaa lumin maayaan fartaad qoreysaana mucdeedii ma lumin doonto sida qoraalkaagan sare u yara shiiqsan yahay. Waa talo iyo tusaale uun.

  3. @Taajka Maakhir

    Sagaalka qodob inaad soo dhigtaan sugayay mar hadaad ka dhawaajisaye see xaal yahay. Miyaan kaa baayacaa Cismaanow. Intaad dibada nagu wadhay ayaanu meeshiiba ku qalalnay. Kkkkkkk

    • @Ahmed,

      KKKKKKKKKK
      KKKKKKKKK
      KKKKKKKK
      KKKKKKK
      KKKKKK
      KKKKK
      KKKK
      KKK
      KK
      K

      Firixdii baad wallaahi iga dhammeysay! Oo anna waxaan ka baqsanaa in la igu qoslee. Naw!

  4. Ahmedoow waxaan maqli jiray reer woqooyigeenu raggu toos isu ma ilma abtiyeystaan oo hablaha ayay u khaas tahay. Toloow dhankiinuna ma sidaas baa?

    Qodobbada waan idin la wadaagii doonaa haddii Eebbe idamkeeda leeyahay. Ahmedoow waxaan anigu soo dhegadhegeeyay dareenka geyiga ka jira oo waxaan ka dhugtay in hoos ahaan la isu heellan yahay ay se jiraan waxyaabo weli isu qaban la’. Aanooyin baa jira caqabado ku noqday in tolweynuhu isu soo dummo kana samirsiin kari waynay.

    Waxaa aniga se ii muuqda oo aan ka sanri la’ahay barwaaqada baaxaadda leh ee ay kala qoqobnaantu naga wada af qabatay. Jiilal dhan baa nagaga dayacmaya jiilaalkan siyaasadeed ee na wada jilib xidhay ee maxaa xal kula ah?

  5. Kkkkkk

    Taad sameysay waxey ka dhigan tahay adoo saylad yimaada dabadeedna yidhaahda sagaal need ayaan iibinayaa ee iga iibsada adoon waxba soo xaadirinba. Kolkaas ogow in aanan lagaa iibsaneyn Illaa aad beska keento xoolaha. Qodobada ha lagaa eegee soo taraarixi. Sowdiga wixiiba xuurteeyey. Kkk

    • Oo ma waxay xaajo igu noqotay nin wax xuurteeyay isna xuurta laga guursan maayo?

      Waa wareey! Ara duulay!

  6. @Ahmed,

    Waxaa iga hakiyay in aan markii hore English ku oqray oo aan dib isugu canaantay in aan Afkeena Hooyo ku soo tabiyo. Fasirkii baan weli la xakaarayaa ee xuurtada ka raalli ahaada akhyaareey!

  7. Waa yahay. Iska qaleyska weynu isku leenahay.

    Hadaan su’aashii Ilmo Abtinimada anagu hadaanu nahay reero huuno aadbaanu u isticmaalnaa rag iyo dumarba. Intaan anigu ka arkey iyadaaba Ilma Adeernimada ka qadarin badan. Habro Wadaagnimaduna waa sidaas Ilmo Abtimada oo kale.

  8. Cismaanow Xalku wuu Iman. Weynu ku khasbanahay hadeynu reer Somaliland nahay inaynu xal waara gaadhno. Taladaan la ruugin lagu rafaadaa. Anigu sidaadoo kale geeska kamaan ag dhawaan in badan imika. Laakiinse sidaan wax u hayo amaba saansaanta ii muuqata waxaan ogahay in arimo isku Yara murgadeen. Oodo dhamaceedna sidey u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa. Caare iyo ciladii ku hareereysneyd maansha Allaah waataas laga soo faro xashay. Tii doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Baarlamaankina wey ku xigaan. Dabadeed waa inoo gar cadaawe iyo saamigii iyo wixii tabasho ah oo jiqilada loo aasto oo si kama danbeys ah loo xaliyo. Dabadeedna inaga oo oodaheena iyo dhigajeena wadana oonisku duuban aanu Soomaaliya xaajadeeda meel iska saarno.

    Waa sidey aniga illa tahay, misena fikirkeyga. Cidii riyo iyo qarow u aragtaa iyadey jirtaa. Kii/tii wax ka fiican keenana fikirkiisa waa u xor.

Comments are closed.