DAAWO VIDEO:Xog Dhaba Xagee Maraysaa Maamulka Loo dhisayo Khaatumo Iyo Maakhir Iyo Arimo Xaasaasi.

Waxaa Aad loo dareemaya Dareen Ay ku Midoobayaan Gobolada Khaatumo Iyo maakhir oo Baryahani Soo Jiitamayey,Waxaana Socda Olole Xoogan oo Dhanka Qurbaha Ka Socda oo Maamulka Lagu Dhisayo.

Halkani Hoose Ka Daawo Video

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. Anigu gobolladan baa asal ahaan ka soo jeedaa. Runtu waxaa weeye in beelaha Hartiga uu shimbirku aad uga dhinsanaa in muddo ahayd. Waxaa iskugu darsamay oo sha’nigoodii dhammaa ka naafeeyay qawsaaro beelahan ka dhashay oo dhuunigooda ka raacay, jahliga guud ahaan Soomaalida ku geedaamaan, duruufaha iyo baahiyaha aad u adag, iyo caadifadda reereed ee maanka iyo miyirka ba ka curyaamisay.

    Sida aan hubo ismaamul dhab ahi lagu ma dhisi karo waxii ka baxsan danaha, duruufaha, iyo baahiyaha dad deegaan wadaaga ka dhexeeya ee iskuna xidhaya. Intaas uun baa u ah rugta rasmiga ah ee ismaamul tayo leh lagu dul qotomin karo. Waxii ka baxsani waa luggooyo iyo khayaal lagu sii kala boodi doono.

    Haddii xataa ay beelahani ismaamul u gaar ah ku dhistaan caadifadaha jilicsan iyo maan habaabinta rag dantooda gaarka ah u roorayaa ay beelahan ku hayaan waxaan shaki ku jirin in berri ka maalin sidii awal ba dhacday lagu kala yaaci doono marka danaha gaarka ah ee ay shakhsiyaad beelahan ugu awr kacsanayaan la isku maan dhaafo.

    In danaha guud iyo duruufaha iyo baahiyaha geyi ahaan laga siman yahay heer dagaleed xaajada lagu salaysiiyo oo hoggaan dhaqameedkii soojireenka ahaa talada kama dambeysta ah dib loogu dhiibto meel Hartiga uga sokeysa oo ay ku xasili doonaan ma ay jirto. Middaas iga qora aniga.

  2. ASC.
    1.Cismaan Cawad wali ma waxaad taagan tahay Marqaannews.Waxaan kaa fiirinayey meelo kor-kore.Waxaan islahaa toloow ma xamar buu ka yahay ugu yaraan agaasime masee puntlaan buu ka yahay wasiir sare.
    War ma haysaa Dab La Riday meel uu ku dambeeyey?

    2.Tan kale wakhti ha isaga lumin maamul ay ku shirgoobaan Dhulbahante iyo Warsangeli.Sababta i weydii.Maba aha dad isla keeni kara maamul wadaag iyo wax wada qaybsi.Isku aragti ma aha.Isku kharash iyo dhaqan ma aha.Isku fakar ma aha.isku hami ma aha.Isku meel wax kama arkaan.Saas darteed way adag tahay in ay labadaas reer maamul wada yeeshaan.Qolo markastaba waxay rabaan sad bursi.Qolada kalena ka yeeli mayso.Dhulbahante waxuu rabaa magaalo madaxdu in ay noqoto Laascaanood.Madaxweynuhuna dhulbahante noqdo.Warsangelina waxaasu uma cuntamayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*