DAAWO:- Wasiir Goodax Barre oo Maamulka Puntland hordhigay Laba Daran mid Dooro.

Wasiirka Waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in aan weli xal loo helin khilaafkii ka taagnaa imtixaankii shahaadiga ee Dugsiga Sare ee dalka, kaas oo u dhaxeeyay wasaaradda waxbarashada iyo maamulka Puntland.

Wasiir Goodax oo wareysi siiyay Telefishinka BBC Somali ayaa sheegay in Puntland iyo wasaaradda waxbarashada ee dowladda dhexe ay weli ku kala aragti duwan yihiin imtixaanka, isagoo xusay in aanay macquul aheyn inay helaan Shahaado aysan shaqeysan.

“Puntland aragtidooda waxa waaye Imtixaanka annagaa qaadeyno, Wasaaradda Waxbarashada oo Imtixaanka agaasinto ma rabno in aan wax la wadaagno in macluumaadka ardayga u sheegno, anaga agaasimeena, kaliya wasaaradda waxbarashada shahaadada ha siiyaan, anagana waxaa niri arrintaas macquul ma ahan, inay ayaga is maamulaan anagana aan shahaado bixino oo aysan shaqeysan cadaalad ma ahan “ayuu yiri Wasiir Goodax.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Maamulaha bartan Marqaan, adeer hadaad Gowdax iyo wax uu ka turjumayo la dhacsantahay waa arin kuu taala, laakiin waxaad ogaata Puntland iyo shacabkeeda hadii Gawdax iyo wax la mid ah ay geedi socodkeeda wax yeeli karaan halkaa may soo gaarteen. Ehelkiisa ayey ahayd kuwii shalay Puntland quudinaysay markii daadku qaadeen, laakiin adigu naftaada iyo cid kale midna wax uugma taalid Xaasidnimo ayaad ehelkaa halkaa uula fadhidaa adaana ku dhibtoonaysid. Ilaahay ayaa xafiday Puntland miskiin reer Baladwayne ah oo tiisiiba lal liitaa hadal loo soo dhiibay cidina dan kama laha, ilaa adiga iyo kuwa kula midka ah oo jecel sida aad curyaanka u tahay in dadka oo dhan uwada noqdaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*