DEG DEG VIDEO:Maamulka Soomaliland oo Dhaq Dhaqaaq Ciidan ka Bilaabay Duleedka Buuhoodle Kuna Hanjabey.

Ciidanka Soomaliland ee ku Sugan Duleedka Caroweyn Ayaa Ku Hanjabey Inay Weerarayaan Ciidamada Jabhada Xoraynta Sool,Sanaag Iyo cayn ee Dhawaan Iyagana Looga Dhawaaqay Buuhoodle.

Qaar ka Mida Ciidan Ku Sugan Caroweyn Ayaa Sheegay Inay Weerarayaan Ciidamada Buuhoodle,Gobolka Cayn Ayaa 20 Ciidan oo kala Mowquf Ah waxay Ku Sugan yahiin Duleedka Buuhoodle.

Halkani Riix Video Daawo

1 COMMENT

  1. Maanka jabhadeed dhibtaas ayaa haysata runtii. Waa maan gurracan iyo garasho jaan. Maadama aanu ahayn maamul dadka ahlu deegaanka ahi ay rabitaankooda si xor ah ugu yagleesheen oo kuna qanacsan yihiin waxuu doow mooday oo uu is biday in uu qori caaraddii cid ugu dowladeeyo.

    Sababta ugu weyn ee rafaadkan iyo rafashada badday waxaa weeye in uu maamulku ka unkan yahay dhiilo colaadeed ee uu casrigiisii 30 sanadood hortii ku ekaa. Casrigan ka soo soke maray iyo marxalddan cusub boos uga ma bannaana oo ku munaasab ma aha runtii.

    Waa dar lala amankaago kuwa weli ku mintidiya qaddiyad uu casrigeedii waa hore idlaaday ee isla markaasi la dawakhsan sababta ay u yeelan kari wayday baalal ay ku duusho muddada intaas la’eg dabadeed. Dadku marka ay caqligooda kaashadaan judha ba way dhaadaan sababta ay duntu irbadda suhubteeda u haleeli kari la’dahay.

    Dawladi waa shacab oo shacab na qori caaraddii lagu ma cadaadin karo. Wadajir, iskaashi, wadashaqeyn iyo rabitaan loo wada heellan yahay ayuun baa dawladnimo dhab ah lagu hantaa. Waxii ka baxsani waa khayaal iyo luggooyo lagu hungoobayo in kasta oo ay qaadato ba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here