Degdeg:- Dagaal si kedis ah uga qarxay Galmudug + Rasaasta xoogeeda oo laga maqlayo Deegaanka la isku hayo.

Wararka ka imaanaya deegaanka Miraxlay ee Gobolka Galgaduud ayaa sheega in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed oo halkaasi wada daga.

Dad ku sugan deegaanka Mirxaley ayaa soo sheegaya in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen ilaa saddex Ruux dhaawacana uu intasi ka badan yahay ,hayeeshee khasaaraha uu intaasi ka badan karo maadaama weli dagaalka uu socdo.

Malaashiyaadka dagaalamaya oo xoolo dhaqato ah ayaa waxaa la sheegay in ay isku heystaan dhul daaqsimeed ku yaalla deegaanka agu dagaalamayo,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay weli rasaas maqlayaan.

Maamulka Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Xaqiiyay in ay wadaan dadaalo lagu kala dhex galayo dadka Xoola dhaqataa ee ku dagaalamaya Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa aaga deegaanka Mirxaley oo ku yaalla Galbeedka Magaalada Cadaado una dhaxeeya degmooyinka Cabudwaaq & Cadaado ee gobolka Galgaduud.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*