Dhul gariir ay ku dhinteen dad badan Kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen ayaa ku dhuftay Turkiga.

Ugu yaraan 18 qof ayaa dhimatay ,553 qof oo kalena waa ay ku dhaawac meen dhul gariir ku dhuftay gobolka Elazig ee bariga Turkiga xalay Jimcadii,sidoo kale 148 qof ayaa lagu soo warramayaa in ayku dhaawac meen gobolka Malatya

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Süleyman Soylu ayaa sheegay in Dowladda Turkiga oo kaashanaysa kooxa gurmad deg deg ah ay howlanyihiin bad baadinta in ka badan 30 qof oo hoos jira bur-burka dhismayaasha soo dumay.

“waxaan ku dadaalaynaa inaan soo bad baadino 30 qof oo ku hoos jira dhisme soo dumay”ayuu warbaahinta u sheegay wasiir Süleyman Soylu.

Dhul gariirkan ayaa cabbirkiisu ahaa 6.8 richter ee lagu qiyaaso dhul gariirka.

Waxaa iminka socda hawl gallo loogu gurmnayo dadka ku hoos jira dhismayaasha bur buray ,dadka ayaa ka soo cararay guryihii.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*