Dowladda Denmark oo shaki laga geliyay in ay xaq uleedahay in la wareegto Gabadhii dhawaan Muqdisho laga helay.

Amaal Nuur Cusmaan oo ay dhawaan gacanta kusoo dhigeen ciidamada booliska Soomaaliya ayaa lagu soo warramay inay u dhooftay waddanka Denmar, iyadoo ay wehlineysay safiirka Denmark ee Soomaaliya.

Amran Xalane ayaa bartamihii bishan warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in gabadheeda “loo gacan galiyay ciidanka ilaalada madaxtooyada, markii ay weydiisayna ay lacag madax furasho ah ka dalbadeen”.

Amaal oo Soomaaliya kasoo jeedda, balse heysata dhalashada waddanka Denmar, ayaa la waayay markii sida la sheegay ay ka baxsatay xarun dhaqan celin ah oo ay qoyskeeda geeyeen.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey sheekada ku saabsan gabadhan si weyn u qabsatay baraha xiriirka bulshada Soomaalida iyo warbaahinta, waxaana si weyn loo hadal hayay eedeynya ciidanka lagu tuhmayay iyo kaalinta booliska dambi baarista ay ka qaateen arrintaas.

Hase yeeshee 21-kii bishan ayuu Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} sheegay in ciidanka boolisku ay gacanta ku hayaan oo ay heleen Amaal Nuur Cusmaan.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Amran iyo saddex gabadhood oo kale ay ka carareen xarun dhaqan celis ah oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Amran oo ay boolisku wareysteen markii ay ka baxeysay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegtay in ay da’deedu tahay 18 sano, taasoo ka hor imaaneysa hadalkii ay sheegtay hooyadeed oo ahaa in gabadheedu ay tahay 14 jir.

Waxay intaas ku dartay in maalmihii ay maqneyd ay gacanta ku hayeen hay’ad ka shaqeysa xannaanada haweenka, oo si wanaagsan loola dhaqmayay.

Haweeneyda Denmark safiirka uga ah Soomaaliya, oo fadhigeedu yahay Nairobi, ayaa Muqdisho tagtay si ay ula soo wareegto gabadhan.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Gabadhaan hooyadeed been baay sheegtay isku Wadan baan daganahay.waxaana dadka yaqaan sheegeen in ay gaaloowday.mana rabto waaridkeed.in ay dadka beenkasheegto maxaa kukalifay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*