Dowladda Somalia oo awoodeeda isugu geyneysa baajinta khudbadda CCWarsame ee Malaysia.

Sida lagu xusay qoraal kasoo baxay Safaaradda Soomaalia ee magaalada Kuala Lumpur ee Dalka Malaysia Safaaradda ayaa ka codsatay Booliiska Kuala Lumpur in la joojiyo guud ahaanba kulan dadweyne oo uu kaqaybgeli lahaa hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Qoraalka safaaradda uu oo kusaxiixan yahay Cabdimajid Maxamed Cismaan (ABDIMAJIT MOHAMED OSMAN) xog-hayaha safiirka Soomaaliya ee Kuala Lumpur Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi ayaa lagu sheegay in safaaraddu si naxariis leh uga codsaneyso Booliiska Kuala Lumpur in gebi ahaanba la joojiyo munaasabadda isu soo baxa dadweyne islamarkaana aan loo ogolaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame in uu hadlo.

Warbixinta Safaaraddu uga codsatay Booliiska in la joojiyo kulnaka dadweyne ee uu kaqaybgelayo Cabdiraxmaan ayay Safaaraddu ku sheegtay in Cabdiraxmaan yahay nin kiciyey dood iyo buuq badan islamarkaana lagu hayo baaris faldembiyeed (instigator) sidaas awgeedna ay Safaaraddu kacodsaneyso Booliiska in loo joojiyo kulanka dadweyne ee uu uga qaybgelayo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa tegey magaalada Kuala Lumpur ee Dalka Malaysia galabtii Jimcaha 10-Jan-2020 iyada oo Cabdimajid Maxamed Cismaan (ABDIMAJIT MOHAMED OSMAN) xog-hayaha safiirka Soomaaliya ee Kuala Lumpur uu saldhig Booliis ku wargeliyey warbixinta kadhanka kulnaka dadweyne ee uu kaqaybgelayo Cabdiraxmaan.

Xubno kamid ah jaaliyadda Soomaaliya ee magaalada Kuala Lumpur oo kaqaybgeli lahaa Kulanka ayaa u sheegay Mustaqbal in muddo 3 goor ah la beddelay Hotelka uu kulanku kadhici lahaa si aan kulanku u baaqan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey in ay hor istaagtay kulan uu kaqaybgelayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu kadhici lahaa Nairobi sanadkii 2019, waxaana suuragal ah in Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi danjiraha Soomaaliya ee Malaysia uu fulinayo farriin uga timid dhinaca Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here