Dowladda Somalia oo soo bandhigtay sargaal muhiim u ahaa Alshabaab oo ay isku soo dhiibay.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay Maanta soo bandhigeen Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,hayeeshee isku-soo dhiibey Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Maadeey ayaa taliska Booliska degmada Baraawe waxaa ay sheegeen in uu isku-soo dhibey Ciidamada Dowladda,isla markaana Al-Shabaab uu ku biirey sanadkii 2012-kii.

Maxamed Axmed Maadeey oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu la soo xiriirey Abtigiis oo dowladda ka tirsan sidaasina ay ugu suuragashay in uu dowladda isku-soo dhiibo,waxaana uu baaq u diray Xubnaha weli ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Booliska degmada Baraawe Ibraahim Aadan Cali ayaa Goobta lagu soo bandhigeyey Sarkaalkaan ka sheegay in sarkaalkaan sababaha uu uga soo baxay Al-Shabaab ay kamid tahay dhibaatooyin uu kala kulmay iyo inay ka shakiyeen.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin ninkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here