Faahfaahin:- Askari katirsan Ciidanka DFS oo wiil caseeye ah ku dilay Xarunta Dowladda Hoose.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka wiil yar ugu geystay afafaaka hore ee xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose ee Xamar oo uu ku shaqeeyo maamulka gobolka Banaadir.

Dilka wiilkan yar oo da’diisa lagu qiyaarsay 10-sano jir ayaa yimid, kadib markii askariga toogtay uu ku eedeeyey inuu ka xaday Mobile, sida dad goobjoogayaal ahaa ay noo xaqiijiyeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markii dambe gacanta lagu dhigay oo xabsiga loo taxaabay askarigii falkaas geystay, mana jirto wax faahfaahin ah saraakiisha ciidamada amaanku ay ka bixiyeen dhadadaas.

Mararka qaar sidaan oo kale ciidamada dowladda ayaa dilal barer ah u geysta dadka shacabka ah, waxaana aad u yar in askarta shacabka u geysata dilalka bareerka ah cadaaladda la hor geeyo.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*