Farmaajo oo degdeg Dalka dib ugu soo laabtay Kadib safarkiisi Cumaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo laabtay dalka Cumaan oo uu kaga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid oo dhawaan ku geeriyoodey dalkaas.

Madaxweynaha oo Suldaanka cusub ee Cummaan Haysam Bin Daariq kula kulmay Qasriga Saldanada dalkaas ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan murugada geerida Suldaan Qaabuus oo kaalin ka qaatay gurmadka shacabkeenna wakhtiyadii adkaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Suldaanka cusub ee dalkaas Suldaan Haysam Binu Daariq in uu sii amba-qaado dhaxalkii horumarineed ee uu ka tagay Suldaanka geeriyooday, isagoona sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda dalka Cumaan.

Dhankiisa, Suldaan Haysam Bin Daariq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo qayb-galka tacsidan iyo in maalmahan murugada leh ay garab istaageen shacabka iyo dowladda Cumaan.

1 COMMENT

  1. Madaxweyne Farmaajo fariidnimo dheeri ah ayuu ku muujiyay kaalintan uu galay, sababo badan daraadood. Marka aan ahamiyadda booqashadiisan wax yar ka bidhaamiyo Soomaaliya iyo Cummaan dabcan taariikh aad u qoto dheer baa ka dhexeysa, in kasta oo ay taariikhdaasu khaas u tahay soomaalida geyiga Woqooyi Bari oo Saldanadda Cummaan heer Saldaneed cilaaqad dheer la lahaa. Waxaa cilaaqaasi ka mid ah dhalasho iyo is dhexgal baahsan.

    Waxaa xusid mudan saameynta ay Saldanadihii Islaamiga ahaa ku lahaayeen gaar ahaan geyiyada ay qowmiyadda Soomaalida oogu fac weyn degto oo uu deegaanka uu Madaxweyne Farmaajo ka soo jeedo ka mid yahay. Taariikhdaas dahabiga ayaa laga dhex dheehan karaa halka ay Beesha Mareexaan naaneysteeda “mareexaan” salka ku hayso oo ahaa marinkii ay ganacsatada Carbeed u mari jireen inta u dhexeysa xeebaha Bari iyo Mudug iyo Kililka Shanaad. Waxaa na weeye in ay ugu magac dareen “Marru-Reyxaan” mise “marinka udgoon” ama jidka dhulkii udgoonaa.

    Booqashada Farmaajo waxay u dhigmaysaa:

    “Zaaranaa Sadiiqunaa Min Marru-Reyxaan”

    Waa in taariikhdaas aad loo xuso oo lagu dhex baahiyo inta ay khuseyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here