Madaxwaynaha Somalia oo saakay uduulay Dalka Cumaan isagoo tacsi iyo Bogaadin uwada shacabka dalkaasi.

Wafdi uu hoggaminayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay dalka Cummaan si uu uga qayb-galo tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda Cummaan, waana safarkii labaad uu  Madaxweynaha soomaaliya uu bil gudaheed ugu ambabaxo dalka dibadiisa.

Wafdiga uu hogaaminayay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee aadan Cadde ka sagootiyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaliya.

Marka uu tago madaxweynaha Soomaaliya dalka Cumaan ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi iyo madaxda kale ee ka qeyb galaya tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda  Cumaan.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*