Sanaag:- Somaliland oo xabsi dhigtay Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda Beesha Warsangeli.

Wararka Naga soo gaadhaya Xarunta Gobolka Sanaag magalada ceergaabo ayaa waxay sheegayaan in saaka lagu xidhay Siyaasi Cali Maxamud Xaaji Dirir, Guray Xaaji Diraac, Bide Cabdi Shire, Kadawe Burkud, waxana hore u xidhnaa Cali maxamud aadan (Caliweyne).

Odayaashan iyo siyaasiyiintaan la xiray ayaa dhaamantod kasoo jeeda gobolka sanaag gaar ahaan Deegaanka Carmalle

Siday noo xaqiijiyeen ilo goob jogayaal ahi xadhigan odayaasha ayaa waxaa amray maamulka gobolka sanaag ee somaliland, waxana loo aanaynayaa sarkaal ciidamada somaliland katirsanaa oo kasoo jeeda galbeedka Ceergaabo oo lagu dilay magaalada Carmelle maalmo ka hor, iyadoo aan wali gacanta lagu soo dhigin cidii dilkaas geysatay

2 COMMENTS

  1. Horta Somaliland waa wax aan iminka jirin oo reer iidoorka ka tirsan bay jabhaddaasi hadda ku koobnaatay. Xataa warar maalmo dhawayd idaacadaha qaarkood laga fidinayay iska barabagaan qayaxan bay ahaayeen oo Kornayl Caare maleeshiyadiisu cidna isu ma aanay dhiibin sidii lagu been abuurtay.

    Garxajisku in ay Habar Jeclada iyo Habar Awasha maamul jabhadeedkii SNM ee idlaaday dib ugu la heshiiyaan aad ayay udag tahay marxaladda haatan lagu sugan yahay. Labo arrimood ayaa saxaafadda iyo dadka badankooda iskaga dhex yaacay oo la isku qaldayaa, kuwaas oo kala ah:

    1. In ay Isaaqu waa hore ku kala boodeen maamul jabhadeedkoodii SNM oo siyaasad ahaan aad loo sii kala fogaaday, oo ay waheliyaan aanooyin hore oo reerahan ka dhex aloosnaa oo siyaasaddooda sii kala dhambalay.

    2. In marka ay siyaasadda noqoto beelaha reer Sanaag ay isku mowqif weliba aad u adag ka taagan yihiin maamulka kooban ee jabhadda SNM laakiin se ay dhexdooda ka taagan tahay aamin darada qabyaaladeed oo Soomaali oo dhan sidaas u kala faquuqday.

    Waxaan la inkiri karin xaqiiqada jirta ee ah in aanay gobolladani ku sugnaan karin xaalad ismaamul la’aan ah oo aanay sina uga fursan doonin in maamul goboleed lagu heshiiyo oo si wadajir ah ee loo dhan yahay loogu yagleesho inta caadifadaha qabiiliga ah laga koro oo laga ilbaxo.

  2. Cismaan Tamaandhi Xabuubow (kaftan.com)

    Riyadii beenbeenta aheyd iyo is maawelintii ayaad weli wadaa. Kkkkk

    I madaadki daali,
    I maaweeli weeki,

    Kkkkkkkk

    Dhakac dhakac meel aan ka daahooyaa….
    Bidix ka dhaw, midig ka dhaw,
    Siisii malabow San jab, San jab.

    Waa lakala leexiyaa,
    Liin iyo caano waa laka leexiyaa
    Meelow libaax soo galey
    Lo miyaa joogi kartaa…

    Ina maaweeli sxb. Ana waanigaa labadii dhanba inooga dhawaye…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here